|

Wargeyska Sabuul waxaa soo saara Ururka Beer-yaqaannada
Soomaaliyeed ama Somali Agronomists Association (SAGRA).
Wuxuuna u soo bandhigi doonaa bulshada Soomaaliyeed ,gaar ahaan
beeraleyda iyo inta danayneysa arrimaha beeraha:
- Xaaladaha ay ku sugan yihiin beeraha iyo beeraleyda
Soomaaliyeed.
- La socodsiinta beeraleyda macluumaadka lagu hormarin
karo waxsoosaarka beeraha.
- Ka digidda iyo sidii looga hortegi lahaa aafooyinka
iyo dhibaatooyinka ay geystaan dulinnada iyo cudurrada.
- Iyo talo-siinta guud ee beeraleyda .
UNA
oo u diyaarineysa SAGRA qabashada barnaamijka IPM
Muqdisho- Dhawaan waxa kulan uu ka dhacay xarunta
SAGRA looga hadlay sidii loogu qaban lahaa aqoonyahannada ururka
seminar ku saabsan Maareynta Mideysan ee Dulinnada ama Integrated
Pest Management (IPM) si loogu gudbiyo beeraleyda Soomaaliyeed.
Waxa halkaas ka hadlay Dr. Maxamed Xuseen (Suufi) kana socday hay’adda
UNA, waxana uu sheegay in ay danaynayaan barnaamijkan si aqoonyahannada
ururkan u gaarsiiyaan aqoonta la xiriirta maareynta iyo ka warhaynta
dulinnada.
Waxa iyana halkaas ka hadlay xubno ka tirsan SAGRA soona dhaweeyey
fikirkan, kuna tilmaamay mid wax ka tareysa kor u qaadista khibradda
ururka.
Gobolka
Waqooyi-galbeed
Ayax ayaa laga soo sheegay xeebta waqooyiga ee Karin
(120 Km ayay bariga ka xigtaa Berbera). Habka gurmadka ah ee isaga
gudubka soohdimaha ee xoolaha Duur-joogta ah, cayayaanka iyo cudurrada
(EMPRES) ee magaalada Hargeysa ayaa qorshaynaya in ay booqasho ku
tagaan si ay u qiimeeyaan waxyeellada ayaxaas. Culeys lagu hayey
saadka daaqa ee xeebaha Awdal ayaa fududaaday ka dib markii xoolo
ka soo guuray degmada Shinniile ee gobolka Soomaalida Itoobiya ay
ku laabteen dhulkoodi bartamihii February.
Beeraleyda waaweyn oo yeeshay kulan
Kulan ay yeesheen beeraleyda waaweyn ee jiidda Afgooye iyo Balcad
ayaa dhawaan lagu qabtay beerta mudane Cali Mahdi. Kulankaas oo
looga wada hadlay arrimo dhawr ah waxa ay beeraleydu ku sameysteen
guddi loogu doortay guddoomiye Xaaji Mire Cusmaan Indha-yare ku
xigeenna Xaaji Naasir.
Bariiska-
waa qayb muhiim ka ah taariikhda iyo dhaqanka Afrika
Bariiska guud ahaan waxa lagu lamaaniyaa reer Asia.
Balse weliba waa qayb muhiim ah oo ka mid ah taariikhda iyo dhaqanka
Afrika, halkaas oo uu ka bixi jiray in ka badan 3000 sanadood.
Waxa jira oo keliya labo nooc oo la beero adduunweynaha:
Oryza sativa (Asian rice) iyo Oryza glaberrima (African rice). Bariiska
waxa loo maleynayaa inuu Afrikada Galbeed ku rabbaayadoobay (domesticated)
3500 sanadood ka hor. Bariiska Asia waxa la soo geliyey Afrikada
Galbeed qiyaastii 450 sano muddo laga joogo.
Bariiska Afrika waa mid dhadhan fiican oo soo jiidasho leh. Weliba
waxa loo isticmaalaa xafladaha iyo xusaska bulshooyinka.
NERICA-
Teknolojiyo ka timid Afrika looguna talo galay Afrika
NERICA oo u taagan bariiska cusub ee Afrika ama New
Rice for Africa ayaa maanta u ah astaanta rajada amniga cuntada
ee dalalka ka hooseeya Saxaraha- ahna gobolka ugu saboolsan caalamka,
dadkiisuna ay la halgamayaan helidda US$1 ama kaba yar maalintii.
NERICA waa farsamo-cilmiyeed ka dhalatay Afrika looguna talo galay
Afrika. Runtiina bariiskan NERICA wuxuu qabatimay xaalad ku bixidda
deegaanku adag yahay, halkaas oo beeraleyda yaryari ay ku adag tahay
helidda waraab, bacrin iyo dulin-dilayaal (pesticides).
Diirrimaadka caalamka oo khatar ku haya amadka bariiska
Kororka heerkulka caalamka ayaa hoos-u-dhac muuqda
gaarsiin kara amadka bariiska, sida ay tilmaameen caddeymo saynisyahanno
shaaciyeen taas oo ah in kororka heerkulka habeenka ay la socoto
diirrimaad ku yimaada adduunka keenina karta in amadka bariisku
hoos u dhaco.
Daraasaddan, waxa lagu qabtay Machadka Caalamiga ee Cilmi-baarista
Bariiska – IRRI ee Philippines, waxana la helay in uu hoos
u dhacay amadka bariiska in ka badan 10% halka heerkulka habeenkii
ee xilliga qallaylaha uu sare u kaco 1.1 0 C
Isbeddelkan heerkulka habeenka waxa uu ku xiran yahay kororka ribbanaanta
(concentrations) neefaha ka yimaada goobaha xiran ee ‘ greenhouse
gases’.
Nadiifinta Badweynta Hindiya
Mashruuc nadiifin ah oo ay ku baxayso lacag dhan US$
11 million ayaa laga billaabay Galbeedka Badweynta Hindiya. Barnaamij
3 sano ah oo ay maalgelineyso Global Environment Facility (GEF)
iyo Dowladda Norway, ayaa ka kaalmeyn doona siddeed dalalka Afrikada
Bari ah qorsho qaabeysan oo lagu xaddidayo wasakhda, chemicals-ka
nadiifinta iyo sumaha kale. Galbeedka Badweynta Hindiya –
ahna goobaha ugu hodonsan noolaha Duur-joogta ee adduunka lehna
dhirta Mangrove, cows-xeebeedka iyo qararka dhalaalaya – waxa
loo maleynayaa in ay ku nool yihiin in ka badan 11000 nooc oo dhir
iyo xayawaan ah iyo in ka badan shan meelood meel noocyada kalluunka
gunta xeebaha kulaaleyda adduunka.
Biyaha
iyo dalagyada
Baahida biyaha ee aadmiga iyo xoolaha waa mid
aad u yar- celceliska cabidda dadka waa afar litres oo biyo ah.
Balse soo saarista cunto-maalmeedka qofka waxay qaadan kartaa ilaa
5000 litres oo biyo ah. Sababtaas ayuu soosaarka cuntadu iyo dalagyada
oo dhami loogu baahan yahay la soo bixidda saami ballaaran oo biyo
cusub ah kana imaanaya ilaha dabiiciga ah si dadku u isticmaalo,
saamigaasna wuxuu u dhigmaa 70% soo saarka biyaha caalamka.
Warbixin FAO soo saartay ayaa tilmaamaysa in 2015/30 la soo bixidda
biyaha waraabka la filayo in ay kordhaan 14% .
Xaaladdii ugu dambeysay Ayaxa
16 March 2005. Guutooyin Caydi ah oo ka imanaya W/Bari Sudan
Guuto ayax caydi ah ayaa ku sameysmay maalmihii la soo dhaafay Waqooyi-bari
Sudan agagaarka Badda Cas iyo xadka Egypt. Guutooyin dhawr ah ayaa
la filayaa in ay ku sameysmaan labada xad halkaas oo kooxo ayaxa
ah ay hadda joogaan; qaybo kooxahaas ah lagana yaabo in ay uga gudbaan
Badda Cas Saudi Arebia halkaas oo qaybo kale uga sii gudbi karaan
gudaha Waqooyiga Sudan iyo Koofurta Egypt. Dhanka Algeria, ukuma
dhigashada ayaa ka socota gobolka El Qued ee Waqooyi-bari Sahara.
Intaas waxa dheer weliba in dhigashada ukumaha laga yaabo in ay
ka dhacdo meelo kale oo koofurta buuraleyda Atlas ku dhereran laga
soo billaabo Morocco ilaa Tunisia, balse xaddiga wuu ka yaraan doonaa
sidii 2004. Waqooyiga Afrika xilligan kuma soo duuli doonaan sababtoo
ah roobabkii Jiilaalka oo yaraaday. Galbeedka Afrika, Guinea waxa
ka jira tiro yar oo ayax caydi ah qiyaastiina gaaray Senegal; guutooyinna
waxay gaareen Sierra Leone.
Cimilada Badi dalka roob kama di’in bishii February, taas
oo caadi ah maadaama lagu jiro xilliga Jiilaalka. Sida caadiga ahna
roob yar ayaa da’a ama maba da’o roob bishan. Goobo
ka mid ah koofurta, gaar ahaan dooxada Jubba ayuu ka da’ay
roob, kaas oo hore u mariyey xaaladda soosaarka miraha qaybo ka
mid ah degmada Bu’aale (Gobolka Jubbada Dhexe). Waqooyi-Galbeed,
roobab todob ah ayaa ka billaabmay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey
February, taas oo muujineysa billowga Guga. Khubarada cimiladu waxay
saadaalinayaan roobab xoogaa ka yar sida caadiga ah in ay di’i
doonaan Guga 2005. Khubarada cimiladu ee ka qeybgalay Gole sanadeedka
15aad ee Muuqaalka Cimilada ( March 1-5, 2005)
Cimilada
go’aansadeen in ay u badan tahay in roobab
sida caadiga ah ka yari ka di’i doonaan Soomaaliya Guga 2005
ee soo socda. Waxa dhici karta 40% in roobabka Gugu ay caadi noqdaan
iyo 35% in ay ka hooseeyn doonaan sida caadiga ah. Roobabka Guga
waxay wax ka taraan ilaa 70-75% isku-darka soosaarka cuntada iyo
cowska ee sannadkii, sidaas darteed aad ayey muhiim ugu yihiin hubinta
cuntada (Food Security) guud ahaan. Haddii rooobabka Guga 2005 ay
ka hooseeyaan sida caadiga ah waxay dib u celineysaa soo kabashada
xaddidan ee lagu guuleystay ka dib roobabkii Deyrta ee aadka u fiicnaa.
Beeraha
Soosaarka galleyda iyo sisinta xilliga aan caadiga
ahayn ee gobollada Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka waxa la filayaa
inuu ka yaraan doono sidii la rajaynayey waxyeello ka timid hawo
kulul, cayayaan iyo dhado darteed. Shabeelle,
sisinta dheeraadka ah ee roobka ku baxda ayaa la guranayaa, laakiin
guud ahaan soosaarka waxa la filayaa inuu ka yaraado sidii la rajaynayey.
Sisinta hore loo beeray gaar ahaan sisinta la waraabiyo, waxa waxyeello
gaarsiiyey cayayaan jooga meelaha dhedada ku badan tahay January
iyo horraantii February. Beeraleydu waxay isku dayeen inay miro
kala geddisan waqtiyo kala geddisan beeraan balse kuma aysan guuleysan.
Sisinta goor dambe la beeray ayaa la soo sheegay in ay si fiican
u baxday meelaha qaar. Goobaha, galleyda dheeraadka ah ee hadda
taagan, gaar ahaan meelaha mashaariicda waraabka laga helo, xagga
horumarka waxay marayaan heerar kala geddisan, si fiicanna way u
baxayaan. Wanleweyn guridda meseggada way socotaa waxana la arkaa
meseggo badan oo la tubay si loogu qallajiyo cadceedda. Dooxada
Jubba, gurashada galleyda iyo sisinta dheeraadka ahi wey
socotaa,balse soosaarka wuu ka yar yahay sidii la filayey sababtoo
ah waxyeello ka timid cayayaan iyo dhedo. Miraha ku baxaya dhesheegga
(dhul biyo qabad leh) waxay joogaan heerar kala geddisan beeraleyduna
waxay wadaan in ay ku beerayaan galley meelaha qaar biyuhu ay gureen.
Beeraleyda hadda ka dib kuma beerayaan sisin meelaha biyuhu fadhiyaan,
maadaama ay halis ugu jiraan in ay xumaadaan miraha marka roobabka
Gugu da’aan billowga April. Bay, Bakool iyo Hiiraan,
meseggo baxday xilliga Deyrta ayaa yaalla suuqyada taas oo keentay
in qiimuhu aad u jabo. Dadka saboolka ah, qiimo dhacani wuxuu u
keenay horumar weyn oo is-weydaarsiga ganacsiga ah, sida mushaharada
maalintii waxa iminka lagu beddeshaa 21 Kgs oo meseggo ah,taasoo
korortay 70% marka loo fiiriyo December 2004. fursadaha shaqada
beeruhu wey fiican yihiin iyadoo ay socoto shafidda meseggada, guridda
galleyda iyo sisinta, wax beerid iyo goynta dhirta aan loo baahnayn.
ASCAARTA
MIRAHA BEERAHA (tafaariiq)
Muqdisho iyo Beledweyn (tafaariiq); Qiimaha 100 Kg (So.Sh.x
1000)
| |
Galley |
Meseggo |
Digir |
Sisin |
Muqdisho
|
332
|
210
|
504
|
7500 |
| Baladweyn |
230 |
180 |
580 |
710 |
N.B. Qiyaastii US$1=So.Sh.15,500 |